Skip to Content
Muqdisho, Soomaaliya sahlanpos.com Odoo 18 oo ku shaqeeya server Soomaaliyeed, maalmo gudahood.

Software ganacsi · Soomaaliya

Ganacsigaaga ka dhig mid sahlan, xisaab cad, iibna dhakhso ah.

Sahlan Solutions waxay dhistaa nidaamyada iibka (POS), xisaabaadka iyo ERP-ga ee ganacsiyada Soomaalida. Waxay la shaqeeyaan EVC Plus, dollar iyo shilin, telefoonka iyo kombiyuutarka labadaba.

Iibka maanta10/10/2026
Iib$1,284
EVC Plus$812
Rasiid96
Tirinta kaydka
+1 Bariis 25kg
SUPERMARKET HODAN
Muqdisho · Hodan
#00139 · 10/10/2026 14:32

Bariis 25kg ×1$22.00
Saliid 3L ×2$9.00
Sonkor 5kg ×1$4.50
Caano boore ×4$6.00
Shaah 500g ×1$2.25

WADARTA$43.75

Sahlan POS

Iib, kayd iyo EVC hal app.

Odoo ERP

Xisaab iyo maamul shirkad dhan.

Website & Apps

Websites iyo software gaar ah.

Taageero 24/7

La socod server iyo WhatsApp.

EVC PlusLacagta waa la helay
Warbixinta shift-kaWhatsApp → mulkiilaha
AlaabKaydFarqi
Bariis 25kg420
Saliid 3L18−2
Sonkor 5kg310
Caano boore64−1
Shaah 500g27+1

Ku saabsan

Software Soomaaliyeed oo loo dhisay sida ganacsigaagu u shaqeeyo.

Waxaan dhisnaa oo taageernaa nidaamyada ganacsiyada Soomaalida maalin kasta isticmaalaan: dukaamo, supermarket-yo, farmashiyeyaal, maqaaxiyo iyo shirkado waaweyn. Waxaan fahamsanahay EVC, dollar iyo shilin, iyo internet aan had iyo jeer joogin.

  • Af-Soomaali & English
  • USD & SOS
  • Shaqeeya internet la'aan
  • Backup maalin kasta
  • Taageero WhatsApp
  • Isticmaale aan xad lahayn
Su'aal ma qabtaa?Nala soo xiriir maanta
Codso demo
8+Nooc ganacsi
2Luqadood
24/7La socodka amniga
Odoo 18Nooca ugu dambeeyay

Adeegyada

Wax kasta oo ganacsigu u baahan yahay, hal meel.

Waxaan bixinaa software, rakibid, tababar iyo taageero. Nidaam kasta waxaan u habeynaa sida ganacsigaagu u shaqeeyo.

sahlanpos.com

Sahlan POS

Nidaamka iibka ee supermarket, maqaaxi, farmashiye iyo dukaan kasta. Iib, kayd, macaamiil, xisaab iyo warbixin.

Odoo 18

ERP & Xisaabaad

Rakibid iyo habeyn Odoo: xisaabaadka, iibka, iibsiga, bakhaarka iyo shaqaalaha, shirkado badan hal nidaam.

server · SSL · backup

Hosting & Server

Server, domain iyo SSL, backup maalinle ah, la socodka amniga 24/7 iyo cusboonaysiin.

web · apps

Website & Nidaam gaar ah

Websites ganacsi iyo software loo dhisay baahidaada gaarka ah, server iyo domain ilaa adeegsade.

scanner · printer

Qalabka & Rakibid

Talo iyo rakibid barcode scanner, printer-ka rasiidka iyo khaanadda lacagta, si ay toos ugu shaqeeyaan nidaamka.

WhatsApp · Telegram

Tababar & Taageero

Shaqaalahaaga waan tababarnaa, nidaamkana waan la socanaa: backup maalinle ah, amni iyo cusboonaysiin.

Maxaad noo dooranaysaa

Waxaan kaa caawinnaa inaad ganacsigaaga koriso.

Software-ka kaligiis kuma filna. Waxaad u baahan tahay koox kuu dhow, kuu hadasha luqaddaada, oo diyaar u ah marka wax dhacaan.

Eeg xirmooyinka

Koox maxalli ah

Waan ku booqan karnaa, waanan ku garanaynaa suuqa.

Af-Soomaali

Nidaamka, tababarka iyo taageerada oo dhan Af-Soomaali.

Qiime cad

Xirmooyin cad, isticmaale aan xad lahayn, qarash qarsoon ma jiro.

Xog ammaan ah

Backup maalinle ah, PIN, ogolaansho iyo la socod server.

Odoo ERP

Hal nidaam oo maamula shirkadda oo dhan.

Waxaan rakibnaa, habeynaa oo taageernaa Odoo 18 ee shirkadaha waaweyn iyo kuwa dhexe: laga bilaabo rakibid ilaa ka guurid nidaam hore.

Odoo

Rakibid

Odoo waa qalab xoog leh, laakiin rakibid khaldan waxay dhaawacdaa ganacsiga. Waxaan ku bilownaa fahamka sida aad u shaqeyso.

Rakibid →
Odoo

Habeyn gaar ah

Module cusub, warbixinno iyo foomam loo dhisay baahidaada, adigoon jebin cusboonaysiinta.

Habeyn gaar ah →
Odoo

Tababar

Tababar Af-Soomaali ah oo qayb qayb ah: lacag-qabadka, bakhaarka, xisaabaadka iyo maamulka.

Tababar →
Odoo

Taageero

Odoo-gu ma istaagay? WhatsApp nagala soo xiriir; backup maalinle ah iyo la socod server ayaan haynaa.

Taageero →
Odoo

Isku xir

EVC Plus / WaafiPay, SMS, WhatsApp, Sahlan POS, barcode scanner iyo printer-ka rasiidka.

Isku xir →
Odoo

Kireyso developer

Developer Odoo ah oo kuu shaqeeya saacad, bil ama mashruuc, Python iyo OWL.

Kireyso developer →
Odoo

La-talin

Ma Odoo ayaa kuu habboon mise Sahlan POS? Community mise Enterprise? Talo daacad ah ayaan ku siinaa.

La-talin →
Odoo

Ka guurid

Xogta Excel, QuickBooks ama Odoo nooc hore ah ayaan si ammaan ah ugu soo guurinaa Odoo 18.

Ka guurid →
Odoo

Liisanka

Community (bilaash) mise Enterprise, online mise server gaar ah. Waxaan kaa caawinnaa inaad doorato kan ugu qiimaha fiican.

Liisanka →
Odoo

Demo

Habka ugu fiican ee aad software u fahmi karto waa inaad isticmaasho. Arag demo-geena Odoo 18.

Demo →

Ganacsiyada aan Odoo u dhisno

Ganacsi & Soo dejinTrading & Import
Supermarket & RetailDukaamo & laamo
FarmashiyePharmaceutical
Wax soo saarManufacturing
Hoteel & MakhaayadHospitality
Dhismo & GuryoConstruction & Property
NGO & MashaariicProjects & Grants
ShidaalOil & Fuel
Gaadiid & LogisticsTransport
AdeegyoService companies

Qaybaha (modules) aan ku xeeldheernahay

Xisaabaad & MaaliyadBakhaarWax soo saarShaqaale & MushaharMashaariicPoint of SaleE-commerceCRMIibIibsi

Kee kuu habboon?

Excel / buugSahlan POSOdoo ERP
Iib, rasiid & barcode—✓✓
Lacag bixinta EVC—✓✓ (isku xir)
Tirinta kaydka telefoonka—✓✓
Xisaab dhammeystiranGacan✓✓
Wax soo saar, shaqaale, mashaariic——✓
Ku habboonBilowDukaamo & laamoShirkado dhexe & waaweyn

E-commerce

Dukaankaaga online ka dhig, maalin gudaheed.

Macaamiishaadu waxay ka dalbadaan telefoonkooda, dalabkuna wuxuu si toos ah ugu dhacaa nidaamkaaga. Kayd, qiime iyo lacag bixin hal meel.

Sahlan POS

Dukaan online oo POS-ka ku xiran

Dukaan kasta wuxuu helayaa bog /shop ah. Alaabta, sawirrada, qiimaha iyo kaydka POS-ka ayaa toos uga muuqda.

  • Dalabku wuxuu yimaadaa Dalabyo → Gaarsiinno
  • EVC Plus ama lacag marka la keeno
  • Digniin WhatsApp marka dalab yimaado
  • Macmiilku wuu la socon karaa dalabkiisa
  • Lacagta gaarsiinta iyo dalabka ugu yar
  • Af-Soomaali iyo English
Ku dar dukaankaaga →
Odoo 18

Odoo eCommerce

Website dukaan buuxa oo Odoo ku dhisan: alaab, qaybo, sawirro, dambiil, lacag bixin iyo gaarsiin, oo ku xiran bakhaarka iyo xisaabaadka.

  • Dalab kasta wuxuu noqdaa Sales Order
  • Kaydka bakhaarka oo toos u cusbooneysiinaya
  • Lacag marka la keeno, EVC Plus iyo bangi
  • Gaarsiin Muqdisho iyo ka qaadasho dukaanka
  • Invoice iyo xisaab si toos ah
  • Domain-kaaga iyo naqshadda brand-kaaga
Arag demo-ga →

Qiimaha

Dooro xirmada kuu habboon.

Xirmooyin cad oo Sahlan POS iyo Odoo ERP ah, xirmo kastana isticmaale aan xad lahayn. Qiime qarsoon ma jiro, waxaadna bedeli kartaa xirmada mar kasta.

Bilow

$15/bil

Dukaan yar oo hal lacag-qabad ah.

  • 1 laan, isticmaale aan xad lahayn
  • Iib, kayd, rasiid & barcode
  • EVC Plus (USSD) & cash
  • Warbixin maalinle ah
  • Taageero WhatsApp
Bilow hadda
Ugu badan

Ganacsi

$30/bil

Supermarket, farmashiye ama maqaaxi firfircoon.

  • 1 laan, isticmaale aan xad lahayn
  • Wax kasta oo Bilow ku jira
  • Tirinta kaydka telefoonka
  • Digniin WhatsApp & xakamaynta scan-ka
  • Xisaab dhammeystiran & deynta macaamiisha
  • Warbixinno A4 PDF
Dooro Ganacsi

Laamo

$60/bil

Ganacsi leh laamo ama shirkado badan.

  • Ilaa 5 laan
  • Wax kasta oo Ganacsi ku jira
  • Shirkado badan & warbixin isku dar ah
  • Ogolaansho heer heer ah
  • Taageero mudnaan leh
Nala soo xiriir

Rakibidda iyo xog gelinta hal mar: $50. Qalabka (scanner, printer, khaanad) si gooni ah ayaa loo iibiyaa.

Sahlan POS

Loo dhisay suuqa Soomaaliyeed.

Hal app oo ku shaqeeya telefoonka, tablet-ka iyo kombiyuutarka. Lacag bixinta, kaydka iyo xisaabtu way isku xiran yihiin.

Sahlan

Iib degdeg ah

Barcode scanner, keyboard ama taabasho: iibku waa ilbiriqsiyo. Shaqeeya internet la'aan, wuuna is-diraa marka uu soo laabto.

Tijaabi →
Sahlan

EVC Plus

Macmiilku wuxuu scan-gareeyaa QR, lambarka iyo lacagtana si toos ah ayaa loo galiyaa. Cash, deyn iyo kaarar sidoo kale.

Tijaabi →
Sahlan

Barcode & price tags

Barcode u samee alaab kasta oo aan lahayn, kadibna daabac stickers iyo calaamadaha qiimaha shelf-ka, PDF hal badhan.

Tijaabi →
Sahlan

Tirinta kaydka

Telefoonka kaamiradiisa ku scan-garee alaabta; nidaamku wuu tirinayaa, kadibna warbixin farqiga ah ayuu sameeyaa.

Tijaabi →
Sahlan

Expiry & FEFO

Taariikhda dhicitaanka ayaa la qoraa marka la iibsado. Iibku wuxuu ka jarayaa alaabta ugu horreysa ee dhacaysa, digniinna waa la helaa.

Tijaabi →
Sahlan

Warbixinta kaydka

Ogow waxa ugu iibka badan, alaabta fadhida (dead stock) iyo inta dib loo dalbanayo ka hor intaysan dhammaan.

Tijaabi →
Sahlan

Quotation & invoice

Qiimeyn A4 ah u dir macmiilka, kadib hal badhan ku iib ka dhig. Invoice A4 ah iib kasta.

Tijaabi →
Sahlan

Delivery

Cinwaanka, telefoonka iyo darawalka. La soco: diyaar, jidka ku jira, la gaarsiiyay, iyo WhatsApp macmiilka.

Tijaabi →
Sahlan

Loyalty points

Macmiilku dhibco ayuu ku helaa wixii uu bixiyo, wuuna ku bixin karaa mar dambe. Macaamiil soo noqda.

Tijaabi →
Sahlan

Carton & baakad

Hal scan oo barcode-ka carton-ka ah wuxuu ku darayaa 12 xabbo qiimaha carton-ka. Jumlo iyo tafaariiq hal nidaam.

Tijaabi →
Sahlan

WhatsApp

Mulkiiluhu wuxuu helayaa warbixinta shift-ka iyo alaabta aan la scan-gareyn. Fariimaha macaamiisha hal taabasho.

Tijaabi →
Sahlan

Laamo & xisaab

Laamo iyo shirkado badan hal meel, journal, faa'iido iyo khasaare, iyo warbixinno A4.

Tijaabi →

Iyo waxyaabo kale

EVC Plus iyo lacag caddaan ahIibka waxaa lagu bixin karaa EVC, cash ama deyn. Macmiilku wuxuu helayaa koodhka USSD si uu u bixiyo.

Tirinta kaydka telefoonkaKaamirada telefoonka ku akhri barcode-ka; nidaamku wuxuu tirinayaa, kadibna warbixin farqiga ah ayuu sameynayaa.

Barcode scanner & BluetoothScanner USB ama Bluetooth ah si toos ah ayuu u shaqeeyaa, iyadoo aan la rakibin wax software ah.

Digniin WhatsApp ahMulkiiluhu wuxuu helayaa warbixinta iibka iyo alaabta aan barcode-ka laga akhrin marka shift-ka la xiro.

Xisaab dhammeystiranJournal, faa'iido iyo khasaare, warbixin A4 PDF ah, shirkado iyo laamo badan.

AmniPIN shaqaale kasta, ogolaansho heer heer ah, iyo backup maalin kasta.

Ganacsiyada aan u adeegno

Qaab kasta wuxuu leeyahay shaashadiisa iyo warbixinnadiisa.

SupermarketMaqaaxi & MakhaayadFarmashiyeDukaan dharQalab dhismoElektaroonigHilib & KhudaarJumlo

Lacag bixinta EVC

*712*61xxxxxxx*43.75#

Lambarka iyo lacagta si toos ah ayaa loogu daraa, khalad la'aan.

Sida aan u shaqeyno

Laga bilaabo booqasho ilaa iibka koowaad.

Inta badan ganacsi yar wuxuu ku shaqeynayaa dhowr maalmood gudahood.

Fahamka baahida

Waan booqanaa ganacsigaaga, waxaana fahamnaa sida aad u iibiso iyo waxa ku dhibaya.

Habeyn & xog gelin

Waxaan gelinaa alaabta, qiimaha, barcode-ka iyo shaqaalaha, waxaana xiraynaa qalabka.

Tababar

Lacag-qabatayaasha iyo maamulka ayaan tababarnaa ilaa ay si kalsooni leh u isticmaalaan.

Taageero joogto ah

Su'aal kasta WhatsApp nagala soo xiriir. Cusboonaysiinta iyo backup-ka annagaa qaabilsan.

Nala soo xiriir

Diyaar ma u tahay inaad ganacsigaaga sahlan ka dhigto?

Tijaabi demo-ga maanta, ama nala soo xiriir si aan kuu soo booqanno.